Gudoomiyaha degamda Baladxaawo ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay imitixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee Wasaaradda Waxbarashada

79
Gudoomiyaha degamda Baladxaawo mudane Cabdicasiis Xareed Cabdulaahi oo ay wehlinayaan Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka degamada, Madaxa arimaha bulshada iyo xubno kale oo maamulka ka tirsan ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay imitixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowlada Jubbland.
Imitixaankan oo ay u fadhiisanayaan saaka in ka badan 423 arday oo ka kala timid 19 dugsi oo ku yaala degmada Baladxaawo ayaa si nabad ah u bilawday.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaaam ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga fasalka sideed ee dugsiyada dhexe ee deegaanada Jubbaland.