Wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland oo soo gabagabaysay howlaha dhiraynta iyo cagaarinta oo maalmahan ay wadday.

94
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Jubbaland ayaa manta soo gabagabaysay howlaha Dhiraynta iyo cagaarinta deegaanka oo wasaaradda ay wadday maalmihii la soo dhafay.
Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland Axmed Xussien Baraki ku wareejiyey dhir loogu tallagalay in lagu dhireeyo xaraumaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.
Intaas ka dib Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka cimillada Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa xarunta wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Shahaado sharaf ku gudoonisiyey shaqaalaha wasaaradda ee ka shaqaynaayey maalmihii l soo dhafay ka shaqaynaayey howlaha nadiifinta xeebaha iyo waliba dhiraynta iyo cagarinta.