Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo dib uhishiisiinta Jubbaland ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha DT Global iyo TIS-PLUS.

129
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha DT Global iyo TIS-PLUS.
Ajandaha kulankan ayaa ahaa xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha DT GLOBAL, TIS PLUS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, dardargalinta Barnaamijyada xasilinta, u diyaar Garowga sidii wax looga qaban lahaa Deegaanada cadowga khawaarijta laga xoreeyay.
Maxamed Ibraahim Ogle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa masuliyiinta Hay’adaha uu kulanka la qaatay uga mahadceliyay wadashaqaynta wanaagsan iyo sida marwalbo ay uga go’antahay in kordhiyaan waxqabadkooda, waxaana uu ku bogaadiyay dardargalinta howlaha baaxadda leh ee horyaalla.