Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Jubbaland oo qabatay kulanka isku-xirnaanta daneeyayaasha waxbarashada

0
4
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa qabatay kulan isku-xirnaanta daneeyayaasha waxbarashada, kaas oo looga hadlay horumarinta siyaasadaha waxbarashada, ka-qaybgalka loo siman yahay, waxbarashada u nugul arrimaha jinsiga iyo isbeddelka cimilada, iyo heerarka waxbarashada xasaasiga u ah nabad-dhisidda.
Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Waxada Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada oo ah Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, maamulayaasha iskuullada degmada Kismaayo, shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha waxbarashada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-xirka daneeyayaasha waxbarashada, si loo horumariyo siyaasado iyo halbeegyo waxbarasho oo loo dhan yahay, u nugul xaaladaha cimilada, tixgelinaya arrimaha jinsiga, isla markaana taageeraya nabad-dhisidda iyo horumarinta tayada waxbarashada Jubbaland.