Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay aqoon is waydaarsi Qorsha Howleedka Beeraha Soomaaliya.

102
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland Ugaas Cali Sokor ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay aqoon is waydaarsi iyo wadatashi ku saabsan Istaraatiijiyadda Qorsha Howleedka Beeraha Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa goob joog ahaa masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS iyo iskaashatooyinka Beeraleyda Jubbaland waxaana inta uu socdo la isla gorfeyn doonaa arrimo muhiim u ah Beeralayda Soomaaliyeed.
Aqoon isweedaarsiga uu manta daah-furay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa muhiimad gaar ah uleh qeybaha kala duwan ee Iskaashatooyinka Beeralayda deegaanada Jubbaland.