
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland oo Kismaayo ku soo dhaweeyey wafdi ka socda Wasaaradaha Caddaaladda ee Heer Dowladda Federaalka iyo Heer Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Wafdigan, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna qayb ka yihiin Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caddaaladda ee DXD, ayaa Kismaayo u yimid ka qaybgalka Kulanka Ansixinta Qiimaynta Adeegyada Kaalmo Sharciyeedka ee Soomaaliya, kaas oo berri ka qabsoomi doona magaalada Kismaayo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland oo ka hadlay madasha soo dhaweynta ayaa wafdiga si diirran u soo dhaweeyey, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hay’adaha caddaaladda ee heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubinta ka ah.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jubaland soo dhaweynta diirran, milgaha iyo maamuuska leh ee loo sameeyey wafdiga.
Kulanka berri qabsoomaya ayaa diiradda lagu saari doonaa qiimaynta adeegyada kaalmada sharci ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa helitaanka adeegyada caddaaladda ee bulshada Soomaaliyeed.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







