Wasiirka Wasaaraada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Jubbaland ayaa maanta kulan dood wadaag ah u qabatay Haweenka gobalka Jubbad hoose

98
Wasiirka Wasaaraada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Jubbaland Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullahi ayaa maanta kulan dood wadaag ah u qabatay Haweenka gobalka Jubbad hoose gaar ahaan haweenka degmada Kismaayo.
Kulanka waxaa kaso qeyb galay gudoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyaeed marwo Batuulo Sheekh Axmed, gudoomiye kuxigeenka Haweenka Qaranka marwo Warsan Xasan Xagar, Haweenka degmada Kismaayo iyo marti sharaf kale.
Barnaamijkan dood wadaagga ah ayaa looga hadlayay arimaha horumarinta Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa Jubbaland sidii ay u noqon lahaayeen kuwa sameeya isku tashiyo dhinacyo badan ah.