Maamulka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa deegaanka Mubaarakka dhagax dhigay dugsi hoose

82
Maamulka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa deegaanka Mubaarak oo qiyaastii 8km u jirta Degmada ka dhagax dhigay dugsi hoose oo ay wax ku baranayaan ardayda degaankaasi.
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Aadan Bare Cali, Madaxa arrimaha bulshada Cabdifitaax Ismaciil Xuseen, Gudoomiye ku xigeenka labaad Maslax Cabdulaahi Yuusuf, iskuduwaha wasaarada waxbarsahada Jubaland ee Degmada Doloow Farxaan Bare Cabdule iyo bulshada degaanka Mubaarak ayaa si wadajir ah u dhagax dhigey dugsigan waxbarsho oo ay u baahnayeen Dadka degaankaasi.