Guddiga Shaqaalaha Rayidkaa Jubaland oo maanta xilka ukala wareejiyay agaasimiyaal guud

95

Gudoomiyaha gudiga shaqaalaha rayidkaa jubaland oo maanta xilka ukala wareejiyay agaasimihii hore ee wasaarada gaadiidka iyo dekadaha iyo kan cusub
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaarada ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay agasimihii hore ee wasaarada gaadiidka iyo dekadahaJubbaland,waxaana ugu horayn munaasabada ka hadlay agaasimaha cusub ee wasaarada dekadaha iyo gaadiidka badda Maxamed Khaliif Cali isagoo sheegay in xilalka lagu kala wareegayo ay tahay nidaama dowladeed oo qof walba la rabo inuu raaco.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland, sidookalana xubin  ka ah gudiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka wanaagsan ee ay u dhacday xil wareejinta isgoona qaybaha kale ee shaqaalaha ku dhiiragelyay in si wadajir ay ola shaqeeyaan agaasimaha Cusub.

Ugu dambayn Cabdulaahi Axmed Cabdulaahi Agaasimihii hore ee Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee Jubbaland ayaa waxa uu ka warbixyay xaalada xafiiskii uu baneeyay isagoona intaas ku daray in si laab fiyoobaan ah uu ku wareejiyay shaqada xafiiska.