Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo qeyb galay munaasabad xilka ay ku kala wareegayeen Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda iyo Agaasimihii hore.

79
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare ee Jubbaland, Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha ayaa maanta goob-joog ka noqday xaflad uu Agaasime Axmed Faarax Cali (Aways) xilka ukla wareegayey, taas oo Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland uu garwadeen ka ahaa.
Munaasabadda uu Agaasimihii hore Mudane Mamaxmed Wali Cali xilka ugu wareejinayey dhigiisa cusub, ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno katirsan labada gole ee Baarlamaanka Jubaland, masuuliyiin ka socotay Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland iyo marti sharaf kale.