
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.
Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay Dawladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyadoo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta Dawladda Soomaaliyeed.





![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







