Kulan ciyaareed lagu maamuusayo wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland oo lagu qabtay Kismaayo

796

Bahda Isboortiga Jubbaland ayaab kulan ciyaareed maamuus ah u sameeyay wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland Aweys Maxamed Xuseen

Kulanka ayaa u dhexeeyay laba kooxood oo kala matalyay ciyaartooyda cuslaatay ee xulkii hore ee xaafadda Farjanno iyo kooxda midnimo oo ay ku mideysanyihiin xubno ka tirsan xiriirka Jubbaland iyo ciyaartooydii hore ee gobolka.

Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay Xulkii hore ee Farjanno 5-0 Midnimo.

Qaar kamid ah masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Jubbaland oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jubbaland xilka uu u magacaabay Mudane Aweys oo ay sheegeen in uu yahay masuul xog ogaal u ah xaaladda Isboortiga Jubbaland.

Sidoo kale masuulkan ayay ugu duceeyeen in Eebbe u fududeeyo masuuliyadda loo magacaabay.