Dhageyso:Guddoomiye-ku xigeenka arrimaha bulshada ee Degmada Kismaayo oo ka warbixiyay adeegyada ay helaan dadka qaba baahiyaha gaar ka ah

228

Guddoomiye-ku xigeenka arrimaha bulshada ee Degmada Kismaayo Najiib Barre Salaad oo xafiiskiisa kula hadlay Radio Kismaayo ayaa waxa uu ka warbixiyey fursadaha ay helaan dadka naafada ah ee ku nool magaalada Kismaayo.
Waxa uu sheegay in dadka qaba baahiyaha gaarka ah ay helaan Cafimaad bilaash ah oo aan wax lacag ah looga qaadeneyniin iyo waxbarasho tayo leh oo si gaar ah ayaga loogu tala galay taas oo maamulka degmada uu u fududeeyey.

Sidookale waxaa uu intaasi ku daray in ay jiraan qoshayaal dhowr ah oo lagu hormarinayo dadka nugul oo ay qeyb ka yihiin dadka naafada ah, waxaana uu geysta kale baaq udiray Isbitaalada gaarka loo leeyahay in ay unaxariistaan dadka naafada ah ee tagaya goobahaas.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in ay degmada mas’uul ka tahay waxbarashada iyo hormarinta dadka naafada ah ee ku nool degmada Kismaayo.