Ururada Bulshada Rayidka Jubbaland oo taageeray hanaanka uu u socdo shirka doorashada dalka

193

Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubbaland ayaa manta magaalada Kismaayo ku qabtay shir lagu tageeraayo hanaanka uu u socdo shirka looga hadlaayo arimaha doorashooyinka Soomaaliya ee maalintii Afraad ka socda magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ay soo abaabuleen ururada haweenka,dhalinyarada,odayaasha iyo Dallada Juunza ayaa lagu taageeraayey hanaanka wanaagsan ee uu socdo shirka u dhaxeeya madaxda dowlad gobooleedyada,Raysalwasaaraha iyo gobolka banaadir.

 

Xaliima faarax Godane oo ah musharax u taagan mid ka mida kuraasta golaha Shacabka ee degmada Afmadow,kana soo qayb gashay shirkii manta ururada bulshada rayidka jubbaland ayaa sheegtay in madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho looga fadhiyo in ay dhameeyaan khilaafka ka taagan arimaha doorashada.

Profersor Xassan Sheikh oo ka mida aqoonyanaha soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadkii manta hadalka ka jeediyey shirka ayaa isagana ka hadlay arimo badan oo ku taxaluqa wada noolshan-shaha umadda Soomaaliyeed.

 

Ugu danbayntii Ugaas Cumar Xiiray oo ah Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland ayaa isagana shirka ka hadlay,waxaana uu ka hadlay waxyaabaha laga filan-karo shirka magaalada Muqdisho.