Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo

107
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo iyadoo ay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyeen Madaxweynaha ku xageenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.