Gudomiyaha dagmada baladxawo oo kullan la qaatey saraakiil ka socotey xooga dalka

99
Gudomiyaha dagmada baladxawo mudane Abdicasiis xareed Cabdullahi ayaa shir gudoomiyey kulan muhiim ahaa oo ka dhacay xarunta degmada.
Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa abaanduulaha qeybta 43-aad Cornel Rashiid Maxamed Cismaan.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kulanka saraakiil ka socoto Taliska xooga oo maalmahan howlo shaqo u joogay Taliska Guutada 10-aad ee fadhigoodu yahay Degmada Balad xaawo, Hogaanka Amniga Gobolka General jamaal xasan saray
Taliyaha Guutada 10-aad ee qaybta 43-aad gaashaanle Adan Siyaad Abdi, Taliyihii hore ee Guutada 10aad Cornel Cisman sheikh Abdi Qorax
Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada Cabdifitaax nuur mataan, Taliyaha saldhiga Booliska cali muxumed Daahir iyo masuuliyiin kale
Shirkaan ayaa lagu gorfeeyey sida ay muhiim u tahay waqtigan in lagu wada shaqeeyo midnimo iyo wada jir si la iskaga kaashan lahaa nabad galyada.