Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka XFS oo kulamo gar ah la qaatay Taliyaha booliiska Socdaalka ee dalka Norway,

108
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya Mudane, Ahmed Said Mohamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Norway ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Taliyaha booliiska Socdaalka ee dalka Norway iyo madax kale oo ka kala socotay Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga iyo Xarunta Aqoonsiga Qaranka Norway.
Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa hay’adaha uu la kulmay waxa uu siiyay warbixino la xiriira horumarka ay HSJ ka samaysay adeegga bixinta Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Sidoo kale, waxa laga wada hadlay in sare loo qaado isla markaana la joogteeyo wadashaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac.