Wasiirka W/Qorsheynta oo la kulmay Wakiilka UNICEF u qaabilsan qeybta caruurta ee Soomaaliya

562

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Mudne Jamaal Maxamed Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Asad Yusuf iyo la-taliyaasha wasaaradda ayaa maanta la kulmay wakiilka Hay’adda QM uqaabilsan waxbarashada Caruurta ee Unicef qeybteeda Soomaaliya Angela Kearney oo booqasho sharafeed ku soo gaartay xarumta Wsaaradda Qorsheynta.

Kalan ayaa waxyaabaha looga wada hadlay waxaa ka mid ahaa xaqiijinta ballanqaadyada deegaanka, fulinta mashaariicda Fayadhowrka iyo nadaafadda ee gobolka Banaadir iyo sidii loo hirgalin lahaa hindisaha ay dowladdu hormuudka ka tahay ee saxnaanta xogta iyo dhisidda wada jir ku shaqeynta si dalka looga hirgaliyo faa’iidooyinka horumar waara.

Wasiir Jamaal ayaa ku booriyay wakiilka in ay xoojiyaan wada shaqaynta kala dhexysa Wasaaradda si loo adkeeyo doorka UNICEF ku leedahay hirgelinta Qorshaha horumarinta qaranka ee NDP-9.