Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

59

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga ee ah kuwa lagama maarmaanka u ah horumarka qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wada-shaqayn lahaa wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayso Soomaaliya, iyadoo la muujiyay sida ay lama huraanka u tahay sii ambaqaadidda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.