Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha Jubbaland ayaa ka warbixiyay dagaalladii u dambeeyey ee Ciidamada Jubbaland ay ku jabiyeen Khawaariijta.

140

Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee Danab ayaa maalinkii shanaad wada howlgalo lagu baacsanaayo   kooxda Khaarijta howlgalada ayaa waxaa ay si gaar ah oga socdaan deegaanada hoos yimaada degmada jamaame ee Gobalka Jubbada Hoose

Ciidamada ayaa miina baaris ka sameeyay goobaha laga xoreeyay argagixisada waxaana usuurta inay gashay inay bad baadiyaan buundooyinka muhiimka ah iyo shacabkaba .

Deegaanada laga xoreeyay khawaarijta waxaa kamid ah Singaleer,Farwaamo,Muusa Xaaji,malaayleey,Baarsanguuni, iyo kuwa kaloo badan

Deegaanada qaarkood ee la qabtay ayaa ah kuwa ay ciidamada oga soo baxeen fatahaadii  El-Nino awgeed balse dib ay ola wareegeen markii ay biyihii ka gureen deegaanadaasi

Dagaalka ayaa khawaarijta lagaga dilay horjoogayaal isigu jira ajaanib & soomaali iyadoo sidookale laga qabtey maxaabiis tira badan.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha Jubbaland Aadan Axmed Xaaji oo kamid ah hogaanka dagaalka ayaa ka warbixiyay dagaalladii u dambeeyey ee Ciidamada Jubbaland ay ku jabiyeen Khawaariijta isaga oo markaa sheegay in howlgalka sii socon doono inta laga soo afjarayo khawaarijta .