Wasiir Cali Balcad oo sheegay heshiiska Soomaaliya & Masar ay wada gaareen in loo badali doona ficil

405

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay booqashooyinka, kulamada iyo dadaalada diblomaasiyadeed ee madaxda Qaranku waddo tan iyo 1-dii bishaan oo uu soo if baxay damaca gurracan ee Ethiopia.

Wasiirk Balcad ayaa sheegay in dowladda ay billaawaday dagaal diblomaasiyadeed ee loga hor tagayo damaca gurracan ee Itoobiya ee Badda Soomaaliya, kaas uu ku sheegay in uu ahaa dagaal aan la’isku qaadan qoray.

Waxa uu intaa ku darayn heshiiskan uu ka Qatar badan yahay Al-Shabaab uuna yahay xadgudub si bareer ah loogu soo xadgudbay qaranimada iyo Madaxbannaanida ummaadda Soomaalieed.

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad “Al-Shabaab waxa ay wax u dhimeen amniga iyo qaab nololeedkeena, laakiin waxaba uma dhimin qaranimadeena iyo Midnimadeena, balsa heshiiskaan waxa uu waxa u dhimay qarannimada iyo wajirkeenna.”

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa  tilmaamay in dalka shirkii dalka Uganda ka qabsoomay ee isugu yimadeen madaxda dalalka dhaxdhaxaadka ah oo looga hadlay xadgudubka Itoobiya ay Soomaaliya.

Dhanka kale Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab istaagan tahay, isaga oo xusay heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar in loo badali doona ficil