𝗥𝗔’𝗜𝗜𝗦𝗨𝗟 𝗪𝗔𝗦𝗔𝗔𝗥𝗘 𝗫𝗔𝗠𝗦𝗘 𝗢𝗢 𝗔𝗗𝗞𝗘𝗘𝗬𝗘𝗬 𝗫𝗨𝗤𝗨𝗨𝗤𝗗𝗔 𝗦𝗛𝗔𝗖𝗔𝗕𝗞𝗔 𝗘𝗘 𝗛𝗘𝗟𝗜𝗗𝗗𝗔 𝗕𝗜𝗬𝗢 𝗡𝗔𝗗𝗜𝗜𝗙 𝗔𝗛 𝗜𝗬𝗢 𝗞𝗢𝗥𝗢𝗡𝗧𝗢 𝗤𝗜𝗜𝗠𝗢 𝗝𝗔𝗕𝗔𝗡

397
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.
Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyey masuuliyiinta wasaardda in mashruucdyada tamarta iyo biyaha ee ay maalgaliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada la xoreeyey Khawaariijta la gaarsinayo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.