
-Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in qof naftii hallige ahaa uu isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayadda Al-Hindi oo ku taalla degmada Xamar weyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka.
Booliska ayaa sheegay inay ku dhinteen seddex ruux halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo goobta ka ag-dhawaa.
Booliska ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka socdaan baaritaanno, dibna ay kasoo saari doonaan faah-faahinno dheeri ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







