Horjooge ka tirasan Argaagixisada oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

195
Soomow Ibraahim iidow oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (maclin Soomow) oo ka tirsanaa khawaariijta ayaa Isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.
Maclin Soomow oo Mudo 5-Sano ah ayaa khawariijta u qaabilsanaa Jabhada isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowar ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolada Mudug Gal- Gaduud iyo Gobalka Hiiran
Maclin Soomow Wuxuu Sidoo kale inoo Sheegey In Ka Shaqsi ahaan Abaabul ku lahaa Qorsheynta Xaruumaha Werarada lagu fulinaayo Iyo Goobaha Ciidamada ay kusugan yihiin oo Werarka lagu Qaadayo .
Degaanada Gaarka ah uu werarka lagu fuliyey Waxaa ka mid ah
1. Ceel lahaley
2. Masagawaa
3.Buulle Burde
4.Cooswayne
Wuxuu ka waramey Sababta ku kaliftey in khawariijta isaga soo baxo,wuxuuna sheegey dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo mid ay u geysaneyaan Shacabka Soomaaliyeed oo waxba galabsan.
Ugu dambeyn wuxuu Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan ay Isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.