
Wasiirka gargaarga iyo Maaraynta musiiboyinka ee Jubaland ahna guddoomiyaha guddiga wasirada ee gurmadka abaaraha Cabdiraxman Maxamed (dhiriq] iyo wasirka tamarta iyo khayraatka biyaha ee Jubaland Ahmed Baraki(Zubeer) kana mid ah guddiga abaaraha o shaqo la xidhiidha abaraaha ku marayay deegannada kala duwan ee dawladda Jubaland ayaa soo gaaray Deganka Kulbiyow Ee Degmada Badhaadhe.
Wasirada iyo xildhiban Kilaas oo jagay deeganka ayaa booqday goobaha barakacayaasha ee deganka kulbiyow,
Halkaas Oo ay kusoo arkeen dad tabaalaysan oo gargaar u baahan, dad cusub oo hadda so barakacay on hoy haysan.
Dad gaadhaya 1,200 qoys oo barakacayaal ah aya ku sugan deeganka Kulbiyow sida ay Wasirada kuso Arkeen Deganka Kulbiyow Halkas War bixin kaga dhagaystay Dadka Degankan Kudhaqan.
Waftida ayaa intay jogeen Kulbiyow dhagax dhigay mashaaric hormarineed oo dawladda Jubaland ka fulin doonto deeganka kulboyow sida School wasaaradda waxbarashadu dhisayso, oo dhismihiisu billawday,
Dhamaystir war biyood horay wasaaradda biyuhu ay u qodday, ceel biyood (Borehole)iyo daam wayn Oo ay wasaaradda biyuhu fulin doonto mar dhaw.
Ugu Dambayn tii Wasiirada ayaa la kulmay bulashada Kulbiyow kana dhagaystay warbixinta deeganka.
Wasiirada ayaa bulshada Kulbiyow u ballan qaaday in baahiyaha biyaha, cunnada, waxbarashada iyo caafimadka dadka iyo xoolahaba wax laga qaban doono.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







