Kumaandooska Gor Gor oo howlgal ku dilay Horjooge yo Maleyshiyaad la Socday,

343
Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ururka Saddexaad iyo Ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka Xarardheere ku dilay Horjooge iyo Maleyshiyaad la Socday,
Talihay ururka saddexaad Dhamme Cali Cageey oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen Tuula Xaaji, ay ku dileen saddax xubnood oo katirsan maleeshiyada khawaarijta iyo Horjogihii hoggaaminayay,halka tira intaa kabadan ay dhawaceen,
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay khawaarijtu ka furteen Hub iyo saanad ciidan,goobta howlgalka ka dhacayna ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka,
Ciidanka Qaranka qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii ugu danbeysay howlgallo ka waday degaannada ay ku dhuumaleysanayaan khawaarijta,oo hadda maray burbur iyo in ay kala carraraan,