Kulan lagu taageerayo go’aankii guddiga Amniga Jubbaland oo Kismaayo lagu qabtay

959

Kulankaan oo looga hadlay adkeynta Amniga iyo xasilloonida Jubbaland laguna taageeray go’aankii guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ka qayb galay waxgaradka Ururada Haweenka iyo dhalinyarada Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Ka qayb galayaasha kulanka ayaa sheegay in Amnigu uu yahay midka ugu muhiimsan loona baahan yahay in dhammaan laga wada qayb qaato ilaalinta iyo adkeyntiisa,waxaana sidoo kale ay guddiga Amniga uga mahadceliyeen dadaalka ay ku doonayaan in Jubbaland ay kamid noqoto meelaha ugu Amniga badan Soomaaliya.

Guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo fulinaya qorshaha Amniga ayaa guulo  waa weyn ka gaaray sugidda Amniga iyo xoreynta deegaanada ay cadowgu ku dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel.

Bulshada Jubbaland ayaa si buuxda u taageeray go’aanka guddiga Amniga oo ay dhawaan soo saareen waxaana shacabka mar walba ay garab iyo gaashaan u yihiin dowladnimada iyo maamulka suuban ee Jubbaland