Wasiir Jaamac oo Muqdisho ka daahfuray qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha degdega ah By Abdinur November 13, 2023 1 Min Read

216

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa magaalada Muqdisho maanta ka daahfuray qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha degdega ah oo kaalin weyn ka qaadan doonto maareynta musiibooyinka.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socotay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA.

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdullaahi oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa yiri, “Hay’adda maareyenta wax badan ayay ka qabatay xaaladaha musiibooyinka iyadoo kaashaneyso hay’adda isgaarsiinta Qaranka.”