Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland Oo Gacanta kusoo dhigtay Rag Lagoosta Gaari Ay Laheed Wasaaradda Biyaha

260
Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee JISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 kuwaas oo u dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay argagixisada uga iibsadaan hantida Dowladda ee ay markaas gacanta ku hayeen.
Ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayen, waxayna iska dhaadhiciyeen in ay geli doonaan nolol aan inaba caadi ahayn iyadoo lagu sii ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaarigii ay u geeyeen kooxda argagixisada ah ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland.
Horay waxay u haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen argagixisada kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan argagixisada balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay argagixisada iyo raggan khiyaanada qaran ku kacay, Xasan Cabdullaahi Maxamed oo sida uu sheegay sheekadan fududeystay ayaa sheegay in gaarigii iyo qorigiiba laga siistay lacag aad u yar.