Maamulka deegaanka Girileey oo qeylo-dhaan ka muujiyay abaaro iyo biyo la’aan ka jirta deegaanadaas

888

Deegaano iyo Dagmooyin ka tirsan gobolka gedo waxaa ka jirta abaar ba’an Oo Saameysay Dadka iyo Duunyada Ku Nool Gobolkaasi Gedo

Deegaanadaas Waxaa Ka Mid ah Degaanka Giriley Oo Hoos Taga Dagmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo Waxaa Laga deyrinayaa Shacabka ku nool halkaasi.

Gudoomiayaha iyo Qaar kamid ah Odeyaasha Degaanka Giriley Oo Wareysi Gaar ah Siiyay Idaacada Radio Kismaayo Codka Jubbaland Ayaa Waxa ay Faahfaahin Ka Bixiyeen Baahiyaha Ka Jira Degaanka Oo ay ugu horeyso Abaarta ka jirta Deegaanka iyo Sida ay usaameysay Shacabka Degaanka Giriley Ee Gobolka Gedo.

Qaar kamid ah Odoyaasha Degaankaasi Ayaa Sheegay in Abaarta ay ku yeelatay Saameyn ba’an loona baahan yahay in gargaar lala soo gaaro waxa kaloo ay sheegeen in Shacabka ay la il daran yihiin biyo la aan baahsan madama ay sheegeen in guud ahaan halkaasi ay ka qodneen ceelal biyaha laga dhaansado waxa ay ku tiirsanayeena ay aheed biyaha gala waraha warahiina ay gureen Madama in mudo ah uusan roob di’in

Codka Odoyaasha.

Dhanka kale Gudoomiyaha Deegaanka Giriley Ee Gobolka Gedo Maxamuud Cabdulle Warsame Ayaa Sheegay in Deegaanka Uu Ubaahan yahay in lala soo gaaro gargaar deg deg ah abaarta ka jirta degaanka waxaa udheer in guud ahaan degaanka ay ka jirin wax isgaarsiin ah Taasna ay degaanka iyo Shacabkaba ay ku tahay dhibaato madama ay jirin meel lagala xiriiro Bulshada Ku Nool Deegaankaasi.

Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Ayaa ka hadlay dhanka Amaanka Degaanka Waxa Uuna Sheegay in Amaanka guud Uu Yahay Mid Wanagsan islamarkaasna ay Amaanka sugayaan ciidamada daraawiishta Jubbaland.

Guud ahaan dalka Waxaa ka jirta abaar Gaar ahaan Gobolka Gedo Oo qeybo kamid ah Dagmooyinka Gobolkaasi ay ka maqan tahay gacanta Jubaland Sidaas ay tahay hadana jubaland ayaa wada dadaalo wax loogu qabanaayo dadkaasi ay saameysay abaarta Ayadoo Soo Saartay Baaqyo ay udireyso Dowlada Fadaraalka Somalia iyo Hay’adaha Gargaarka Bixiyo.