Kenya oo qeybtii labaad oo ciidamo nabad ilaalin ah u dirtay DR Congo

563

Kenya ayaa ciidankeedii labaad ee ka jawaab celinta degdega ah geysay Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ee magaciisa loo soo gaabiyo (MONUSCO)

Ciidamada ay Kenya u dirtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa gaaray in ka badan 200 oo sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka difaaca Kenya, kuwaa uu usoo dhamaaday tababar la xirira howlgalka oo u socday muddo shan bilood ah

Ciidankan ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta rayidka, sugidda amniga shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha iyo sidoo kale inay la dagaalamaan kooxaha hubaysan iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2556 (2020).

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Sarreeye Guud Francis Ogolla, ayaa sheegay in kooxdu ay sii wadi doonto fulinta waajibaadka MONUSCO ee ah in laga takhaluso dagaalyahannada hubaysan ee Bariga DRC.

“Sanadihii lasoo dhaafay, Kenya waxa ay usoo dirtay ciidammo nabad-ilaalin ah oo kala duwan, waxaana lagu ammaanay geesinimadooda iyo xirfaddooda. Marka aad halkaas tagto, ilaali wejiga Kenya mar haddii aadan matalin keliya cidanka aad ka tirsantahay balse aad matasho Kenya oo dhan,” ayuu yiri Sarreeye Guud Ogolla

Ciidamada KDF waxay ka qaybqaateen Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Qaramada Midoobay tan iyo 1979 markii ciidamo maxalli ah loo diray dalka Zimbabwe.

Maanta, Kenya waxa ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Koongo oo ay hoostagaan howlgalka MONUSCO.