Muxuu daaranaa shirkii maanta Garbahaarrey lagu qabtey

494
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa shir gudoomiyey Shirka amniga Gobolka oo ka qabsoomay xarunta maamulka degmada Garbahaarrey.
Kulankan waxaa ka qayb galay Saraakiisha qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa howlgalka ATMIS ee ka howlgalada gobolka Gedo, Waxaana looga hadlay dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoojinta nabadgelyada degmooyinka gobolka Gedo.