Halkee ayuu marayaa mashruuca biya galinta ee Kismaayo

417
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha guud iyo guryenta Jubbaland Maxamed Mursal iyo Agaasimaha guud ee Wasaradda Howlaha guud XFS Mahdi Sheikh Cabdullahi ayaa kormer ku tagay, halka uu ka socdo Mashruuca Biyo gelinta oo ay kula kulmeen Injineeradi waday mashruuca oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali waxayna ka dhageysteen halka uu marayo mashrucan.
Sidoo kale masuuliyiinta ayaa kormeeray Mashruuca xalka wara oo loogu talagalay dib u dajinta dadka qaxootiga ah ee kuso barakacay duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.
Waxa ay sidoo kale kormeer ku sameeyeen halka ay deganyihiin kuna shaqeeyso shirkadda dhistay wajiga koobaad ee wadooyinka magaalada Kismaayo, islamarkaana hadda wada dhismaha biyo mareenada howlo kale oo muhiim ah.