
Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Cisman Xuseen Rooble (Xil-Bistolo), ayaa furay tababar loogu talagalay horumarinta tayada iyo aqoonta shaqaalaha wakaaladda biyaha.
Tababarkan ayaa shaqaalaha siin doona aqoon iyo farsamooyin casri ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya xirfadaha farsamo iyo habka maamulka, si loo xoojiyo tayada iyo hufnaanta adeegyada biyaha.
Maareeye Ku-xigeenka ayaa shaqaalaha ku boorriyay inay si firfircoon uga faa’ideystaan tababarkan, kana qaataan doorkooda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in horumarinta xirfadaha shaqaalaha ay laf-dhabar u tahay hagaajinta adeegyada, kordhinta waxtarka howlaha wakaaladda, iyo hubinta joogteynta nidaamka bixinta biyaha ee Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







