Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo maanta xariga ka jaray Xarunta Cusub ee Wasaarada Caafimaadka iyo gurmadka deg dega ah.

489
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Cusub ee Wasaarada Caafimaadka iyo gurmadka deg dega ah.
Munaasabada xarig jarka oo ay ka qeybgaleen masuuliyiinta kala duwan ee Dowlada iyo shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Waa weyn ee wasaaradu u hayso shacabka.
Wasaarada ayaa shaqooyinka muhiim ah kasoo qabatay sanadahii lasoo dhaafay gaarsiinta adeega Caafimaadka ee dhammaan deegaanada Jubaland iyo sidoo kale xakamayntii xanuunka COVID19 oo si weyn uga jiray deegaanada Jubaland