Dowladda Soomaaliya oo dhisaysa Buundadii la qarxiyay ee Buuloburde

504

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku sugan Hiiraan, bartamaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay qeybaha kala uwan bulshada deegaanka ee magaalada Buuloburde.

Mudane Wasiir Axmed Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa u sheegay reer Buulaburde in ay wafdigiisa la socdaan ilaa 4 hey’ad oo kala USAID, NIS Foundation, ERI iyo IOM, Injineerro iyo saraakiil kale, waxaa uuna intaa raaciyey in la caawinayo dadka, sida ugu dhaqsaha badanna loo dhisi doono buundada halbowlaha u iska xirka dalka.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, arrimamaha dib u xorreynta, qiimeynta iyo dhismaha buundada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeeshay saraakiisha amniga ee ka socdo ATMIS, ciidanka xooga dalka, Booliiska iyo maamulka degmada.