
Guddoomiyaha Degmada Dhoobley Mudane Xasan Cabdi Xaashi ayaa shir guddoomiyey kulan ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland, kaas oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Dhoobley, saraakiil ka socday taliska qaybta booliska gobolka Jubbada Hoose, iyo sidoo kale ciidanka booliska degmada.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xoojiyo wada-shaqaynta bulshada iyo booliska, kor loo qaado kalsoonida bulshada ay ku qabaan ciidamada amniga, lana dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo amniga guud iyo dhiirrigelinta booliska degmada.



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







