Jubbaland oo ku baaqday in loo midoobo dagaalka ka dhan ah maleeshiyaadka alshabaab

411

Wasiirka amiga gudaha Jubbaland S.G Yuusuf Xusen Cismaan Dhuumal aya ka tacsiyeyay geerida Allah u naxariisto Taliyii qeybta guud ee Boliska Gobalka Banadir Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (qaroole ) oo shalay ku shahiiday qarax miino oo ay argagixisadu kula eeteen deeganka Basra oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka shabelaha dhexe.

Sido kale wasiirka aya u tacasiyey Nabadoon Cilmi Xagar Guure oo dhawaan ku shahiiday dagaal lala galay kooxda nabad diidka ah ee Al shabaab oo ka dhacay gobalka Hiraan.

Wasiirka ayaa dhinaca kale si kulul oga hadlay 12 qof oo rayid ah oo lagu gumaaday deganka Gariley ee gobolka Gedo xilli ay ku hoowlanayen qodista ceel biyood ay dadka deegaanka baahi weyn u qabeen .

Wasiir wasaradda amniga Jubbaland aya si guud ugu mahad celiayay dhaman shacab weynaha soomaliyed oo waqtigan garab istaag u mujiyay qeybaha kala duwan ee cidama xoog dalka Iyo kuwa Dowlad goboledyada oo xoojiyay dagalka ka dhanka nabadidka.

Ugu dambeyn SG Yusuf Xusen Cisman Dhumal Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa baaq u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya in sarakiisha qibrada u leh dagalka loga faa’ideysto loogana dambeyo.