Puntland oo Gudi u saartay Khasaaraha ka dhashay Roobkii ka da’ay Gaalkacyo

290

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Feysal Cali shire ayaa shir gudoomiyaha kulan  looga hadlayay xaalada  wax ka qabashada Daadadka ka dhashay Roobabkii ka  da’ay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa labaad  ayaa magacaabay  3 gudi oo loo xilsaaray wax ka qabashada dhiabatooyinka ay sababeen Roobabkii  saacadihi la soo dhaafay ka day day Magaalada Gaalakcyo

 

 

Waxayna gudiyadaasi kala yihiin :

  1. Guddiga guud ee xaalada daadadka iyo Xal u helida Masiibooyinka kadhasha oo ka kooban 11 Xubnood.
  2. Guddiga u gargaarka dadka go’doonsan kuwa barakacay iyo fayo-dhawrka.
  3. Guddiga xal u helida biyaha iyo furida kanaaladii biyuhu mari jireen iyo biyo-booliyada. Guddigaas 6da xaafadood ee Magaalada xaafad walba waxaa ka imaanaya kana hawl galaya 11 xubnood oo ah gudiga, Vuddigaas waxay ka war bixinayaan  meelaha biyuhu fadhiyaan iyo sidda loo saari karo biyahaas.

Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay dhamaan intii xalay shaqaysay oo shacabka la dareen ahayd.

Sido kale Taliye Kuxigeenka qaybta Boliska Gobolka, isu-duwe yaasha Gargaarka iyo deegaanka, Duq kuxigeenka Degmada, Xoghayaha Xegmada, Agaasimaha Mashaariicda Gobolka Xildhibaano Guddomiyayaasha Xaafadaha iyo sariikiil kale oo katirsan qaybta.

Ugu dambayn guddiyayadaas ayaa dhamaantood  u hawlgalay shaqadii loo xilsaaray.