Golaha Wasiirada Jubbaland Oo ansixiyay degmooyin Cusub

558

Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu qabtay markii oogu horeysay meel ka baxsan Magaalada kismaayo  xarunta ku meel gaar ah Dowlad gobaleedka Jubbaland -waxaana lagu gudoomiyay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Kulankan oo uu shir gudoominayay madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan kana qayb galeen badi golaha wasiirada Jubbaland ayaa qodoba dhowr ah looga dooday, waxaa kamid ahaa  ansixinta miisaaniyadda 2022-2023, dood dheer kadib golaha ayaa ansixiyay miisaaniyada 2022-2023 ,waxaa kale oo  shirka lagu lafa gurey  amniga iyo siyaasada,

Dhinaca kale Magaalooyin cusub ayaa loo aqoon sadey degmooyin magaalooyinka goluhu u qoonsadey degmo ayaa kala ahaa Dhooblay iyo  Buurdhuubo kuwaa oo la ansixiyay in ay degmooyinka jubbaland kamid noqdaan.

Shirka Golaha wasiirada Jubbaland ayaa lagu qabtay meel ka baxsan kismaayo markii oogu horey taniyo markii Jubbaland maamul gobaleed loo aqoonsadey .