Doorashada hal kursi oo ka dhacday Magaalada Jowhar

516

Waxaa xalay Saqdii Dhexe Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ay Magaalada Jowhar ku qabteen doorashada hal lursi, kaas oo ay ku tartameen musharrixiin dhowr ah.

Kursigaan oo ah Hop#024 ayaa doorashadiisa ay dhowr jeer dib u dhacday, balse ugu dambeyn uu xalay ku guuleystay Maxamed Axmed Maxamed (BEEREEY) oo helay 59 Cod halka Bashiir Macalin Cali Xasan Cabdiqaadir Carabow Ibraahim oo kursigaan horay ugu fadhiyay ay heleen mid  7-Cod & Yuusuf Maxamed Xaaji Dool oo helay 25-Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa weli ku harsan doorashada Afar kursi oo uu kujiro kursiga Hop#135 oo ay ka geeroyootay Aamino Maxamed Cabdi oo doorashadiisa aheyd Magaalada Beedweyne  balse loo soo wareejiyay Jowhar.