Guddiga Gurmadka abaaraha dowladda Jubbaland oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa kulan la yeeshay maamulka iyo hay’adaha dollow

0
224

Wasiirrka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Wasiirka wasaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Degmada Doolow, ayaa  ka qeyb galay shir degdeg ah oo looga hadlay xaaladda cakiran ee abaaraha ka taagan degmada iyo deegaannada ku xeeran iyo guud ahan gobolka Gedo.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay hay’adaha ka hawlgala Doolow, maamulka degmada, culimada, iyo guddiga abaaraha ee degmada.

Intii uu kulanku socday, masuuliyiinta ayaa dhageystay warbixin dhammaystiran oo ay soo diyaariyeen guddiga abaaraha, taas oo si faahfaahsan uga warbixisay xaaladda guud ee deegaanka iyo baahiyaha degdegga ah ee jira.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xirnaanshaha garoonka diyaaradaha Doolow uu si weyn u saameeyay gurmadkii loo fidin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo haatan wajahaya xaalad adag oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Ugu dambeyntii, waxaa la isla qaatay in gargaarka la hayo si degdeg ah loo gaarsiiyo bulshada, iyadoo mudnaanta la siinayo goobaha ay baahidu ugu daran tahay.