Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay inay guul ka gaartay tijaabinta gantaal cusub

644

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in maalinimadii shalay lagu guuleystay tijaabinta gantaal cusub oo nuuciisu yahay kuwa sida xowliga ah uga dheereeya gantaalada caadiga ah ,sida ay xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in gantaalkaasi cusub oo loogu magac daray Hwasong-8  uu ka mid yahay shanta ugu muhiimsan ee lagu dejiyay qorshaha horumarinta militariga ee shanta sano.

Tijaabinta gantaalkaan oo ah kuwa shan mar guuxooda ka dheereeya ayaa ah calaamad kale oo muujineysa tiknoloojiyadda hubka ee sii kordhaysa ee Pyongyang iyada oo ay saaran tahay cunaqabatayn adag.

Dalalka K/Koonfuree,Jabaan,Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay tijabada gantaalkii sadexaad ee Woqooyiga Kuuriya ay tijaabiyaan bil gudaheed.