Ciidamada Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal katirsan Nabadiidka Al-Shabaab

578

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanka Shaam Gare oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno kagirsan Nabadiidka  Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay Sarkaal katirsanaa Nabadiidka  Al-Shabaab oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xasan Deyr caana ka ahaa degaankaas.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Nabadiidka  Al-Shabaab ilaa iyo inta Nabadiidka  ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dagaalama Ciidamada dowladda & Maleyshiyaadka Al-Shabaab kadib weeraro ay qaadaan Nabadiidka  Al-Shabaab ama markii Ciidamada dowladda ay howlgallo fuliyaan.