
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalkSoomaaligeed ee DANABĀ ayaa Hawlgallo Qorshaysan Maalmihii uu dambeeyey ka waday Degaano ka wada tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe & Shabeelaha Hoose.
Degaanadan howlgalku ka dhacay ayaa kala ah jameeco jiliyaale,Gamboole, Fiidow ,Kiliga shiinaha,Dhiingaras,Shaan &Duduble halkaas oo ay Al-Shabaab ku lahayeen Fariisimo kala duwan.
Howlgalka ayaa Waxa siwadajira ah u fuliyey Ururada 4aad & 7aad Ee Guutada 16-aad kumaandooska Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Saraakiisha DANAB ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo labada Shabeelle laga saarayo Ururka Al-Shabaab oo shacabka ku haaya dhibaatooyin kala duwan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







