Shir Sannadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Qaranka Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho

674

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka furmay Shir sannadeedka Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka.

Shirka Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo soocn doona laba maalmood ayaa sida uu qorshahu yahay looga hadli doonaa dhaqan-gelinta sarreynta sharciga, horumarinta howlaha xafiiska iyo ka doodista iyo ansixinta Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa jira doona inta uu socdo doodo iyo cilmi baarisyo kala duwan oo lasoo bandhigi doono, isla markaana khudbado ay ka jeedin doonaa Madasha Madaxda ka qeyb shirkaas Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, Wasiirka Cadaaladda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Xeer Ilaalinta, madax ka socota maamul goboleedyada, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeybgalaya