
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada.
Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada guuleystay ee 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka fuliyeen Ciidamada Darawiishta Jubaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka deegaano kala duwan, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha la wadaagtay faahfaahinta howlgaladaas iyo dadaallada joogtada ah ee Ciidamada Jubaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan Khawaarijta.
In ka badan 48 dhagar-qabe ayay dileen ciidamadu intii ay socdeen howlgalada ka dhacay deegaanka Barjala ee Gobolka Jubbada Hoose, oo 68km ka xiga dhinaca waqooyi degmada Afmadow, iyadoo howlgalkaas lagu qabtay labo dhagar-qabe oo nool iyo saanad hub ah.
Maleeshiyaadka ayaa godad ka samaystay dhul howd ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo xogaha sirdoonka ee ay heleen ciidamada ay sahashay in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqooda.
Dhinaca kale, Golaha ayaa ansixiyay Xeerka Ilaalada Gargaarka, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.









