Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya

837

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan iskaashiga iyo xooginta howlgalada ka dhanka ah ururka argagixsada ee Al-shabab, iyo dardargalinta dhameystirka doorashooyinka Dalka.