
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan iskaashiga iyo xooginta howlgalada ka dhanka ah ururka argagixsada ee Al-shabab, iyo dardargalinta dhameystirka doorashooyinka Dalka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







