Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Doolow ku Ansixisay Qorshaha Waxqabadka Bulshada (CAP) ee Horumarinta Deegaanka

0
165
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu ansixinayay Qorshaha Waxqabadka Bulshada (Community Action Plan – CAP), kaas oo ah qorshe ay si wadajir ah u diyaariyaan dadka deegaanka.
Barnaamijkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya wacyigelinta bulshada, si kor loogu qaado fahamka bulshada ee dawladnimada iyo ka qeybgalka horumarinta deegaanka.
Sidoo kale, waa hannaan u oggolaanaya bulshada inay si toos ah u muujiyaan baahiyahooda, una kala hormariyaan arrimaha ugu muhiimsan ee u baahan wax ka qabashada.
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada, kuwaas oo si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha iyo talo-wadaagga.
Inta badan waxaa xoogga la saaray sidii bulshada loogu dhiirrigelin lahaa inay si cad u soo bandhigaan baahiyaha deegaanka iyo mudnaanta ay siinayaan.
Ugu dambeyn, shirka ayaa maanta si rasmi ah loogu ansixiyay qodobadii iyo waxyaabihii mudnaanta u lahaa bulshada, kuwaas oo ay iyagu si toos ah ugu codeeyeen, taasoo muujinaysa ka qeybgal dhab ah oo bulshada ay ku leedahay go’aan qaadashada iyo horumarinta deegaanka.