Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo ku wajahan Beledweyne

52

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan inay tagaan Guddiga Doorshooyinka Heer Federaal oo uu  hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddigaas Maxamed Xasan Cirro.

Guddiga ayaa lasheegay inay kormeer qiimeyn ah u tegi doonaan Magaalada Beledweyne, waxana horay Guddiga ay kormeer sidaan oo kale ku tageen degaannada Dowlad Gobleedyada, iyaga oo  Warbixinta Guud ka dhageystay  Madaxweyanaha dowlad Goboleedka ama kuxigeenkiisa.

Safarkaan ay Maanta Magaalada Beledweyne ku tagayaan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu ku sugan yahay Magaalada Jowhar, balse Maanta la filayo in uu tago Magaalada Beledweyne.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ay kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka, iyaga oo kala tashanaya doorashada Golaha Shacabka ee la filayo inay ka dhacdo Magaaladaas.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa wada qaban qaabadii ugu dambeeysay ee loiga diyaar garoobayo qabsoomida doorashada Golaha Shacabka.